U bood dhigaalka

Sawirro: Senator Abshir Axmad Oo Maktabad Guud Ka Hirgeliyey Cadaado, Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa sabtidii magaalada Cadaado ee Galmudug laga hirgeliyay Maktabad guud tii ugu horreysay, waxaana arrintan gacan ka geystay  xafiiska arrimaha Bulshada ee senator Abshir Axmad, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee  Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xafaladdii furitaanka maktabadda oo ka dhacday gudaha degamada Cadaado ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, maamulka degmada Cadaado, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Galmudug, wasaaradda waxbarashada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Duqa degmada Cadaado Cabdullaa Cabdiraxmaan oo ugu horreyn xafladda ka hadlay ayaa dadweynaha degamada ugu baaqay iney ka faa’idaystaan:

“Dadweynaha degmada Cadaado waxaan leeyahay waa fursad muhim ah, waxaan u maleynayaa Galmudug oo dhan iney tahay maktabaddii koowaad iney tahay ayaan u maleynaayaa, waa fursad dahabi ah oo idiin soo hoyatay oo deegaanka soo martay waxaan rajeynayaa Inshaa Allaah iney horey u sii socon doonto oo la casriyeyn doono oo la kordhin doono oo buugaagta iyo wax kasta oo meesha laga daalacanaayo, dadweynaha waxaa laga rabaa in sida loogu keenay maktabaddan uga faa’idaystaan oo ay yimaaddaan oo ay daalacdaan, taariikhdii hore, middii dhexe iyo middii dambe intaba waa laga helayaa”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Axmed Nuur ayaa baallanqaaday kobcinta maktabadda ka wasaarad ahaan ay ka qeybqaadan doonaan:

“Maanta meeshaan maktabadda laga furay, sadada soo aaddan annagii oo wada midaysan inaan ka qeybqaadanno qof walba meesha waajibku uga saaran yahay sidii loosoo horumarin lahaa, haddii ay tahay dhisme iyo haddii ay tahay waxey u baahan tahay ee agabka ahaa sidii aan uga sii horumarin lahayn in qolo walbaa ay kaalinteeda ka qaadato. Anigoo ku hadlaaya afkii wasaaradda waxbarashada waxaan ballanqaadayaa in kaalinta nooga aaddan horumarinta maktabadda inaan dhinaceenna ka qaadan doonno.”

Xildhibaan Maxamed Cabdullaah Qalinle oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka galmudug ayaa u mahadceliyay senator Abshir isagoo sidoo kale farta ku fiiqay muhiimadda akhrisku leeyahay:

“Martabad haddii aad aragto waa akhri aad ogaatide, markaad wax akhriso ayaad wax badan ogaan doontaa, markaa waxaan rajeynaaya deegaanka iney ka faa’idaystaan, markatabaddan Cadado kaligeed looma furine, Galmudug oo dhan ayaa loo furay, shaqaalaha makatabadda waxaan ka codsaneynaa iney deegaannada kale geeyaan xafiisyo,

Ugu dambeyntii, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee  Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo goobta ka hadlay  ayaa sheegay in maktabadani aaney ahayn mid uu isagu si gaar ah u leeyahay, waxa uu tilmaamay in degmada uu ugu talagalay, isla markaa waxa uu dhalinyarada ugu baaqay iney ilaashadaan:

“Maktabadda guud ee dagmada Cadaado waa adeeggii ugu horreeyay ee degmadu idin siinayo, markaa dagmada ayaa iska leh aniga ma lihi, waxaa laga rabaa dhalinyarada iney ilaashadaan, iney iyagu horumariyaan, iney ka fakaraan iney tahay meel ay iyagu leeyihiin oo mustaqbalkooda iyo aayahooga ay uga tashanaayaan, aqoontoodiina ay ku hor-u-marinaayaan. sida Bakigu u yahay kaydka lacagta ayaa maktabaduhuna u yihiin kaydka aqoonta, ma noqon doonto oo kaliya mid buugaagta lagu akhristo, waxey sameyn doontaa shaqooyin farabadan oo ay ka mid tahay tartamada qoraalka iyo akhriska madalladooda ayay ka mid tahay.”

Si kastaba, tani maaha markii ugu horreysay ee senator Abshir uu ka qeybqaato hor-u-marinta waxbarashada Galmudug, horey ayuu Cadaado uga hirgeliyay iskuul ay si lacag la’aan ah wax ugu bartaan dadka taabaaleysan ee danyarta ah, sidoo kale waxa uu ka hirgeliyay mac’hadka indhoolayaasha Galmudug.

Goobjoog News