U bood dhigaalka

Sawirro: Shirweyne Looga Hadlayo Xaaladda Dhaqaale & Midda Siyaasadeed Ee Soomaalida Oo Ka Socda Jabuuti

Sheeko:Dalka

Waxaa maalintii labaad galay shirweyne ka dhacaya dalka Jabuuti gaar ahaan ‘Guriga Umadda ee Jabuuti laguna gorfeynayo xaaladda siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee Soomaalida. Waxaana madasha soo qaban qaabiyay Machadka Darasaadka ee Heritage iyadoona Madaxweynaha dalka Jibuuti Ismaaciil Cumar Geellena uu martigeliyay.

Cinwaanka 1aad ee maanta laga doodayo sidoo kalena shirka maanta lagu furay waxuu ku saabsan yahay Isdhexgalka Dhaqaale iyo Nidaamka Federaalka ah.

Madashan oo ah mid sanadle ah oo Machadka Heritage uu qaban doono sanad walba ayaa markii ugu horreysay la daah-furay maalinimadii shalay aheyd waxaana uu qorshaha yahay in lasoo gaba-gabeeyo berri oo Khamiis ah.

Waxaa madasha ka soo qeyb galay dad badan oo isugu jira bareyaal sare, aqoonyahanno, siyaasiyiin, ganacsato, madax dowladda ka socota iyo ururada bulshada rayidka oo dhammaantood ka kala socda dhulka ay dagto Soomaalida.

Maalintii 1aad ee madasha waxaa hadallo ku saabsan xaaladda Soomaalida iyo aragtiyo kasoo jeediyay madax iyo aqoon yahanno dhowr ah oo uu kamid yahay Wasiirka Dhaqanka Jabuuti oo daah-furay, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo ka warbixiyay xaaladda dalka iyo Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah guddoomiyaha Akadeemiyo Goboleedka Afka Soomaaliga oo ka hadlay fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dalka Soomaaliyeed.

SHalkaan hoose ka daawo Sawirada: