U bood dhigaalka

Sawirro: Sida Ay U Codeeyeen Madaxweynaha Somaliland, Murshaxiinta Iyo Dadweynaha

Sheeko:Dalka

Waxaa Somaliland 7badii saac ee la soo dhaafay ka socday doorashada madaxtinnimada, illaa hadda waxaa codeeyay madaxweynaha iyo murashaxiinta, waxaa kale oo la arkayey dad safaf dhaadheer ku jira.

Doorashadan oo laba jeer oo hore dib u dhacday ayaa waxa codayn-doona 704,089 (todoba boqol iyo afar kun iyo siddeetan iyo sagaal qof).

Waxa ku tartamaya saddex xisbi oo midkiiba ay ka socdaan laba musharrax oo kala ah madaxweyne iyo ku-xigeen.

Murashaxiinta Madaxweynnimada iyo Ku-xigeennada:

Xisbiga UCID: Waxaa ka sharraxan Faysal Cali Waraabe oo ah musharraxa madaxweynaha iyo Axmed Cabdi Muuse (Abyan) oo ah musharraxa madaxweyne ku-xigeenka.

Xisbiga KULMIYE: Waxaa ka sharraxan Muuse Biixi Cabdi oo ah musharraxa madaxweynaha iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo ah musharraxa madaxweyne kuxigeenka.

Xisbiga WADDANI: Waxaa ka sharraxan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ah musharraxa madaxweynaha iyo Maxamed Cali Aw Cabdi oo ah musharraxa madaxweyne kuxigeenka.

Saddex musharrax madaxweyne ayaa kasoo kala jeeda gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil. Halka saddexda musharrax madaxweyne ku-xigeenna ay kasoo kala jeedaan gobollada Awdal iyo Sool.

Tirada goobaha laga codayn doonno ayaa gaadhaya 1, 642 goobood kuwaasi oo la sheegay in ay yihiin Taleex illaa Lawyo-caddo.

sss (1) Cirro 1 muuse Biixi waraabe FB_IMG_1510549823268 (1) 1 1 IMG-20171113-WA0000 FB_IMG_1510549973058 FB_IMG_1510549967609 2 4 3 codayn 11 Codyn

Mawduucyada:Gobollada