U bood dhigaalka

SAWIRRO: Sidee Loo Kala Qaadey Ciidamadii Puntland Iyo Galmudug Ee Gaalkacyo?

Sheeko:Dalka

Dedaal badan oo ay sameyeen dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobey, Puntland iyo Galmudug ayaa lagu guuleystay in la kala qaado ciidamadii ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Munaasabad kooban oo ciidamadan lagu kala qaadayey ayaa shalay oo Jimco ahayd waxay ka dhacday magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaasi goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, xubno ka tirsan Labada aqalka ee baarlamaanka, siyaasiyiin, waxgarad iyo saraakiil ciidan.

Madaxweynaha Galmudug oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey wuxuu sheegay in farxad aad u weyn u tahay in la kala qaado ciidamada Labada dhinac, isaga oo u mahad celiyey cid walbo oo ka shaqeysay nabadda Gaalkacyo.

“Maanta farxad bay inoo tahay inaan halkaan isugu nimaanno annaga oo ku naalooneyna nabaddii iyo xabad joojintii hirgelinteedii iyo kala rarista ciidamada, cid walbo oo kasoo shaqeeyey aad bay u mahadsanyihiin, waxaan rajeyneyaa in Labada dhinac ay fulin doonaan wax walbo oo lagu heshiiyey, saraakiisha ciidamadana garab weyn ka geysan doonaan, ciidamadana ammar adag baan siinney aniga iyo saaxiibkey C/weli Gaas, wada hadal ayaa lageli doonaa si loo helo nabad waarta oo Gaalkacyo ah” ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo isna hadal kooban halkaasi ka jeediyey ayaa sheegay in ka Puntland ahaan ay diyaar u yihiin mar walbo iney fuliyaan qodobada lagu heshiiyey, isaga oo u mahad celiyey dhammaan dadkii ka shaqeeyey nabadda Gaalkacyo.

“Waxaan rajeyneynaa iney dhammaato colaadda Gaalkacyo, in dadkaan walaalaha ah ee magaalada deggan, aan kala guurin waligood iney helaan nabad waarta, dagaal uu ka dhammaado magaalada Gaalkacyo ayaan ka wada hadli doonnaa, Gaalkacyo hormarkeeda in laga shaqeeyo ayaan u baahannahay, magaaladan uma baahna colaad joogta iyo nabada darro” ayuu yiri Gaas.

Ugu Dambeyn Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cai Sharmeerke oo halkaasi ka hadlay ayaa ku baaqey in shacabkii ka barakacay magaalada Gaalkacyo ay dib ugu soo laabtaan guryahooda, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha rajeeyey in mar kale aanu dagaal ka dhici magaaladaasi.

“Waxay inoo tahay arrin farxad ah inaan isugu nimaanno Labadii Koontarool ee Labada dhinac, in ciidankii la kala qaaddey oo la rabo in lasoo celiyo kalsoonida, dadka iney soo noqdaan oo guryahooda kusoo noqdaan baan rajeyneynaa, ciidankana si guud magaalada oo dhan looga qaado, waxaan u mahadcelinayaa Labada madaxweyne kaalintii ay ka qaateen nabadda Gaalkacyo, magaalada hadda waa nabad, waxaana u gudbeynaa sidii xal waara Gaalkacyo loogu keeni lahaa” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soconayey dedaallo badan oo la doonayey in lagu xalliyo colaadda Gaalkacyo, iyadoo dagaallo kusoo noqnoqday magaaladaasi ay sababeen dhimasho, dhaawac, burbur hanti iyo barakac.

Hoos ka arag sawirada

009 008 007 006 005 004 003 002 001

Goobjoog News