U bood dhigaalka

SAWIRRO: Soomaali Ku Dhibban Yemen

Sheeko:Dalka

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen ayaa xilligaan waxay sheegeen iney lasoo deristay xaalad adag oo dhanka nolosha ah,  iyaga oo baaq u direy dowladda Federaalka Soomaaliya.

Soomaalidan qaxootiga ku ah Yemen, una badan haween iyo Carruur ayaa la sheegayaa iney haysato dhibaato la xiriirta dhinacyada caafimaadka, raashiinka, Waxbarashada iyo hoyga intaba.

Dadkan ayaa dibabax cabasho ah waxay ka hor sameeyeen xarunta hay’adda UNHCR ay ku leedahay magaalada Cadan.

Waxay dadkani dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqeen iney wax ka qabtaan xaaladda ay ku sugan yihiin.

Dagaallada ka socda dalka Yemen ayaa sii xoojisey xaaladda adag ee dhanka nolosha ah, islamarkaana dadku ay waayaan wax ay cunaan ama hoy nabad ah oo ay ku noolaadaan.

Wixii ka dambeeyey markii dalka Yemen dagaallada ay ka bilowdeen, waxaa dalkaasi kasoo laabanayey qaxooti badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo muddo badan halkaasi ku noolaa.

Hoos ka arag sawirada

Xigasho Sawirada: SONNA

Goobjoog News

Yeme 002 001