U bood dhigaalka

Sawirro: Soomaaliya Waa Dalka Ugu Maamulka Xun Qaaradda Afrika, Daraasad

Sheeko:Dalka

Soomaaliya ayaa gashay kaalinta ugu dambeysa ee dalka 54aad ee qiyaas dowlad wanaagga ee loo sameeyey qaaradda Afrika, sidaasi waxaa lagu sheegay cilmi-baarista Mo Ibrahim 2018 Index of African Governance.

Dhinacyada laga eegay sidoo kale waxaa ka mid ah: Bad-qabka iyo sharciga iyo kala dambeynta oo aan ka galnay dalka ugu dambeeya 54, xuquuqul insaanka oo aan helnay kaalinta 53aad, oo waxaa naga liito uun sida la sheegay dalka Eretrea,  fursadaha dhaqaale iyo horumarka Aadanaha waa meesha ugu hooseysa qaaradda 54,  sidaasi ayey ku noqotay dalka ugu liita qaaradda Afrika.

Inkasta oo Soomaaliya lagu sheegay dal soo hagaagaya hadana taasi waxba sooma kordhin markii ay gashay dalka ugu hooseeya dhan walba.

“Hey’adaha ugu muhiimsan dowladda, uma hormarayaan si dhaqso ah, si ula jaan-qaadaan baahida dhalinyarada Afrikaanka ah, kuwaas oo hadda ah qeybta ugu badan qaaradda Afrika” waxaa sidaasi yiri, Mo Ibrahim oo ah in Suudaanes ah oo heysta dhalashada Ingiriiska.

Mo Ibrahim ayaa daraasaddan si joogta u sameyn jirtay tan 2007-dii, waxaana inta badan sugta dalalka ku yaalo qaaradda Afrika, iyaga oo kala socda halka ay taaganyihiin.

Goobjoog News