U bood dhigaalka

SAWIRRO: Taliska Booliiska Soomaaliyeed Oo Lagu Wareeejiyey Bugaag Muhiim Ah

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay deeq Bugaag ah ka guddoomeen hay’adda UNODC, bugaagtaasi oo taliska muhiim u ah.

Bugaagtan ayaa ka kooban kuwa xeerka Ciqaabtam xeerka habka ciqaabta iyo sidoo kale bugaagta saldhigyada ee lagu diiwaanm geliyo maxaabiista, iyo bugaagta lagu qoro hantida maxaabiista marka saldhigga lagu xareynayo.

S/guuto Axmed Dayib Dhegacaleen oo ku hadlayey magaca taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka guddoomay hay’adda UNODC bugaagtan, waxaana uu uga mahadceliyey deeqdaasi.

Waxa uu S/guuto Dhegacaleen uu sheegay in baahi weyn loo qabay buugaagtan islamarkaana wax badan ay kusoo kordhinayaan habsami u socodka shaqada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Bugaag5 Bugaag4 Bugaag3 Bugaag2 Buugaag1