Sawirro: Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Xoogga Dalka Oo Xilka La Wareegaya
Sheeko:Dalka
Xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho waxaa ka soconeysa munaasabad kooban oo uu xilka kula wareegayo taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka C/weli Jaamac Warsame.
Munaasabaddan waxaa ka qeybgalaya wasiiru dowlahada wasaaradda gaashaandhigga ahna sii haya xilka wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaaliya Maxamuud Cali Xagaa, xildhibaanno, taliyahii hore ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid iyo saraakiil kale.
Taliyaha hore ayaa sharaxaya waxyaabaha uu qabtay mudadii koobneyd ee uu joogay, shaqooyinka u baahan in la dardargeliyo iyo arrimo kale.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News