U bood dhigaalka

Sawirro: Trump Oo Lagu Soo Dhoweeyay Riyadh

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray magaalada Riyaadh ee caasimadda waddanka Sacuudiga , waana safarkiisii ugu horreeyay uu dibadda ugu ambabaxo tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Mareykanka bishii Janaayo.

Telefishinka qaranka ee dalka Sacuudiga ayaa muujinayay muuqaallo cadeynaya in Trump uu soo gaaray goroonka baqor khaalid ee magaalada Riyaadh .

Ajandaha looga hadlayo shir madaxeedka Riyadh 

Bari oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalda Riyaadh uu ka furmo shirmadaxeedka u dhaxeeya madaxweynaha Mareykanka iyo hogaamiyaasha wadamada Islaamka iyo kuwa carabta shirkaan ayaa waxaa marti galisay magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudiga.

Donold Trump ayaa Riyaadh waxa uu booqasho ku joogi doonaa muddo dhan 2 maalmood oo ah inta shirka uu socda.

Boqorka Salmaan ayaa sheegay in booqashada Trump ay xoojin doonto iskaashiga  istiraatiyajadadeed iyo xaqiijinta amniga xasiloonida gobolka iyo caalamka.

Dhanka kale Trump ayaa ku tilaamay joogi taankiisa magaalada Riyaadh inay tahay mid aad u weyn.

Ajandaha shirka ayaa waxa uu yahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga siyaasadda dhaqaalaha ammniga ee ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Mareykanka.

Waxaana si guud diiradda loogu saarayaa sidii wadamada Islaamka iyo Mareykanka ay ula dagaalami lahaayeen Daacish iyo ururada kale ee xagjirka ah.

001 002 003 004