U bood dhigaalka

SAWIRRO: Ugu Yaraan 5 Ruux Oo Ku Geeriyootay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari loo adeegsaday oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga xarumaha wasaaradaha ciyaarada iyo amniga ee dowladda Soomaaliya.

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa la sheegay in lala eegtay maqaayad ku taalla halkaasi, waxaana la dhigay gaariga bannaanka hore ee maqaayadda.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintey ugu yaraan 5 ruux oo shacab ah, waxaana dadka dhintey ku jira haween qaarkood halkaasi marayey, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Waxaa burbur uu soo gaaray gaadiid ay leeyihiin dad shacab ah oo qaarkood halkaasi marayey iyo kuwo meesha uu qaraxa ka dhacay yaalla, waxaana sidoo kale burburay dhismayaal oo halkaasi ku yaalla.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada dowladda oo xirey dhammaan wadooyinka halkaasi gala, waxaana dadkii dhaawaca ahaa gurmad u sameeyey oo Isbitaallada u qaadey gaadiidka gurmadka degdegga ah.

Weli dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan saraakiisha amniga gobolka Banaadir kama aaney hadal qaraxan.

Maxamed Abukar Islow, wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya oo shalay la wareegay xilkaasi ayaa sheegay in uu la imaan doono qorsheyaal lagu sugayo amniga guud ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

“Waxaan balanqaadayaa in wasaaradda amniga la imaan doono qorsheyaal  lagu sugayo amniga guud ee dalka, sida ugu dhaqsiyaha badan, ugana howlgelin doonno Muqdisho oo aan rabaa inaan u sameeyo hal ku dhigga ah xasilinta  caasimadda, ka shaqeynta amniga waa mas’uuliyad saaran dhammaan muwaadiniinta, waxaana ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan hay’adaha amniga” ayuu yiri wasiir Islow.

Qaraxyada sidan oo kale ah ayaa kusoo noqnoqday magaalada Muqdisho, waxaana inta badan ay waxyeello kasoo gaartay shacab aan waxbo galabsan.

Goobjoog News

0001 001 0002 002 0003 0004 003