U bood dhigaalka

Sawirro: UK Oo Kor u Qaadeysa Taageerada Gargaarka Ee Soomaaliya Iyo Itoobiya

Sheeko:Dalka

oghayaha Horumarinta Caalamiga ah Priti Patel ayaa maanta ku baaqday dadaal cusub oo dheeri oo wadajir ah si looga hortago in malaayiin qof u dhintaan gaaji iyo cudur.

 

Wasiiradda oo ahayd qofkii ugu horreeyay ee booqda Afrika doorshadi guud kadib ayaa ammaantay sida hoggaanka UK u badbaadiyo nolosha dad badan oo soo food saartay halista gaajada.

 

Lakiinw waxay ka digtay in dhibaatadu ay gaartay heer xasaasi ah iyo in dardargalin la’aanta dadaalada beesha caalamka ay khatar ku tahay horumarka la sameeyay iyada oo taasi ay keeni karto in dad badan ay dhintaan isla markaana khalkhal u keeni karta gobolka.

Waxaa ay caddeysay in UK ay sii wadi doonto dadaalada, iyadoo ku dhawaaqday 90 milyan oo gini oo ah taageerada aadka loogu baahan yahay taasi oo caawin doonta in ka badan 2 milya o qof oo ku nool Soomaaliya iyo Itoobiya oo u baahan biyo nadiif ah, cunto, iyo caafimaadka deg deg ah. Deeqda lacagaha waxay isagu jiraan 60 milyan oo loogu tala galay Soomaaliya iyo 30 milyan oo loo qoondeeyay Itoobiya.

 

Soomaaliya  oo ah dal ay hareeyeen dagaallo sokeeye iyo xagjirnimo oo malaayiin qof ay ka carareen guryahooda, taageeradanada maaha kaliya caawinta dadka si ay u noolaadaan, waxaa kaloo la siinayaa fursad ay ku doortaan noloshooda iyo mustaqbalkooda si aan loogu qasbin inay ku biiraan kuwa xagjirka mise ay galaan safarka halista ah ee dibadda.

 

Dowladda Itoobiya waxay muujisay hogaan adag abaartii 2016 waxayna la yimaadeen in ka badan 700 milyan oo doolar si ay u daboolaan baahida dadkooda. Waxaan la shaqeynaynaa dowladda si loo hubiyo in ay si waxtar leh uga jawaabaan sanadkan, si loo qorsheeyo isla markaana mudnaanta loo siiyo ayna kor u qaadaan maalgalintooda ay uga jawaabayaan abaarta.

 

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah Priti Patel ayaa waxay tiri:

 

“Dowladda Britain waxay horseed u tahay bixinta adeegyo halbowle u ah nolosha malaayin qof oo ku nool Soomaaliya iyo itoobiya kuwaas oo halis ugu jira macluul iyadoo laga cabsi qabo in abaartu isu bedesho musiibo.

 

“Waxan soo arkay gargaark UK ay bixiso oo ah badbaadinta iyo bedelidda nolosha. Tani waxay keentaa xasilinta wadamada aduunka ugu nugul taasi oo fursad u ah dadka nugul si ay u dhisaan noloshooda sidaas daraadeedna loo sugo ammaanka UK.”

 

“UK ayaa kor u qaaday taageerada isla markaana u ololeysay in bahwadaagta kalena ay taageero bixiyaan taas oo ka hortagtay faafidda abaarta. Waxaan muujinaya hogaankanaga  inagoo bixinayna cunto dheeri ah, biyo dheeraad ah iyo daawo badan oo loogu tala galay kuwa halista ugu jira inay u dhintaan abaarta iyo colaadda.”

 

“Dunidu waa inay nagu dayato isla markaana an tallaabo qaadno si aan u cirib tirno dhibaatooyinka bani’aadamnimada oo halis  galiya xasiloonida caalamka isla markaana aan dardar galino horumarka nabadda iyo ammaanka- taas oo dan u ah cid kasta”

 

Adduunka waxaa soo wajahay dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo bani’aadamnimo 2017-ka, oo ay ka jiraan abaar qaybo ka mid ah Koonfurta Suudaan, oo si caalami ah loogu dhawaaqay tan iyo 2011-kii.

 

Jawaab deg-degga ah ayaa ka timid UK horaantii sanadkan oo ku wajahan dhibaatada cunta yarida sii kordhaysa ee geeska Afrika, oo ay ku jiraan Soomaaliya oo loo balan qaaday £ 110 milyan, Itoobiya £ 11.5 milyan  iyo £ 10 milyan oo ay ku deeqeen dadweynaha  in la siiyo Guddiga Musiibooyinka ee Deg-degga ah taas  oo keentay jawaab caalamigaga. Taageeradan ayaa waxaa looga gol lahaa in looga hortago macluusha ka jirta Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin qatarta wali way jirtaa.

 

Marwo Patel ayaa sidoo kale ku cadaadisay Saaxiibada Caalamiga ah, oo ay ku jiraan Baanka Adduunka in ay si deg deg ah u bixiyaan maaligelin badan. Baanka ayaa balan qaaday $1.8 Bilyan oo uu ku bixiyo meelaha dhibaatooyinka ka jiraan, oo ay ka mid tahay Soomaaliya oo loo balan qaaday $50 milyan, Itoobiya $100 Milyan si ay u caawiyaan dadka ku nool goobaha ay abaartu saamaysay oo u baahan in laga caawiyo raashiin, biyo iyo adeeg caafimaad

 

Soomaaliya xaaladaha daran ee abaarta waxaa ka mid ah daacuun, jadeeco dillaacday iyo dhimashada xoolaha iyo tirada sii kordhaysa ee dadka ka qaxaaya guryahooda iyo wadanka deriska ah ee Itoobiyaha oo qarka u saran macluul iyo malaayiin nolashooda halis soo wajahday.

 

Nus shacabka Soomaaliya ma heli karaan raashiin waxayna wajahayaan suuragalnimada in ay dhacdo abaartii seddaxaad muddo 25 sano ah.  £60 Milyan oo gargaarka UK waxay wax u tari doontaa:

  • 350,000 qof oo cunto degdeg ah
  • Helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowr in ka badan 1 milyan oo qof
  • Gabbaad oo ay helaan100,000 oo qof
  • Tallaalka 2 million oo xoolo ah
  • iyo ilaalinta 20,000 oo haween oo u nugul halista colaadda iyo xadgudubya ka dhan ah.

 

 

Tirada dadka u baahan cunto ee ku nool Itoobiya ayaa aad u kordhay. 30 milyan oo gargaar ay bixisay UK waxaa ka faa’ideysta:

  • Taageero cunto deg deg ah oo la siiyay 1.5 milyan oo qof
  • Taageero nafaqo oo la siiyay in ka badan 154,000 oo caruur gaajoonaya iyo haweenka uurka leh iyo kua nuujinaya.
  • Biyo nadiif ah oo ay heleen 100,000 oo qof.
  • Taageerada xoolaha oo loogu deeqay 500,000 oo qof
  • 10 kooxda ilaalada oo ah kuwa wareega si ay u ilaaliyaan caruurta, taageeraanna dhibanayaasha tacadiyada jinsiga iyo dadka gudaha ku barakacay iyo bulshooyinka marti galiyay.

 

Waxan la shaqaynaynaa dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo bahwadaagta sida UNICEF, World Food Program(WFP), FAO iyo hey’adaha aan dowliga ahayn si loo hubiyo in gargaarka uu gaaro kuwa aadka ugu baahan.

 

Markii ay tagtay Soomaaliya, Marwo Patel waxay aragtay kartoon badan oo ay ka buuxaan deeqaha UK oo loo diyaarinayay in lagu daabulo diyaarad fadhiday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho si loo gaarsiiyo dadka ku nool daafaha Soomaaliya.

 

Ka dib Shirkii Soomaaliya ee London uu qabsoomay horraantii sannadkan, Marwo Patel ayaa xaqiijisay baahida loo qabo in bulshada caalamku ay sii wadaan taageerada Soomaaliya, oo an ku ekayn keliya gargaar degdeg ah, laakiin sidoo kale xoojinta ammaanka si Soomaaliya ay ugu sii socoto wadada ay saaran tahay ee nabadda iyo xasiloonida.

 

Tani waa abaartii labaad ee Itoobiya soo marto muda laba sanadood. Itoobiya waa wadanka labaad oo marti galiyay qaxootiga Afrika taas oo ciriiri galisay dhaqaalaha Itoobiya oo ay joogaan 880,000 qaxooti oo ka soo cararay dagaalada iyo rabshadaha ka socda wadamada deriska. UK ayaa waxay la shaqaynaysaa bahwadaagta caalamka si loo hagaajiyo kaabayaasha, adeegyada deegaanka iyo abuurista fursado shaqo si Itoobiya ay ula qabsato kororka qaxootiga iyo ka hortagga socdaalka dibadda.

 

Priti Patel ayaa booqatay xarunta cunto-qaybinta Itoobiya si ay u aragto sida gargaarka UK u garab qabto dadka khatarta ugu jira gaajada iyo in ay la kulanto shaqaalaha gargaarka ee UK ee  jooga safka hore. Waxay sidoo kale booqatay xarun caafimaad, oo ka mid ah kuwa badan oo ay taageerto UK, si ay u aragto sida carruurta nafaqadarada heyso ay u helaan taageero nafaqo, oo ay ku jiraan looska la tumay oo ay ka helaan nafaqooyin muhiim ah.

DHAMMAAD

35327604966_c91fed54ff_o 34557352663_7dc18c6cfe_o 35327701306_de7aab218f_o