U bood dhigaalka

Sawirro: Waddooyin Ku Xirmay Dagaalladii Gaalkacyo Oo Maanta Dib Loo Furay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed C/weli Jaamac Gorod ayaa maanta oo Sabti ah waxay ku guuleysteen iney dib u furaan waddooyin muhiim ah oo ku xirmay dagaalladii ka dhacay Gaalkacyo.

Mas’uuliyiin kale oo ka socotay Puntland, Galmudug iyo saraakiil ciidan ayaa qeyb ka ahaa qorshaha maanta lagu furay waddooyinkaan.

Waxaa la qaaday dhammaan dhagaxyadii lagu jaray waddooyinkaan, waxaana la isku raacay in shacabka ay si nabad ah ku isticmaalaan.

Madaxweyne Xaaf ayaa Gaalkacyo ka waday maalmahan olole ballaaran oo lagu soo celinayo nabadda Gaalkacyo, laguna furayo waddooyinkan.

Waddooyinka maanta la furay waxay muhiim u yihiin isku socodka dadweynaha, iyadoo sidoo kale la filayo in la dhameeyo wax walbo oo horey loogu dagaallamay.

Halkaan hoose ka daawo sawirada:

Goobjoog News

6-2 5-6 4-7 3-9 2-9 1-13 7-3