U bood dhigaalka

Sawirro: Wasaaradda Arrimahada Dibadda Oo Nuqul Kamid Ah Warqadihiisa Aqoonsiga Ka Guddoontay Safiirka Cusub Ee France

Sheeko:Dalka

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta kaga guddoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda France u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Antoine Sivan.

Qaabilidda Safiirka cusub kadib, waxaa Wasiiru dowluhu la yeeshay kulan gaar ah Danjire Antoine Sivan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal , xaaladihii ugu dambeeyay gobolka iyo arrimaha ammaanka.

Waxaa xusid mudan in Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo France uu si rasmi ah u bilowday waqti yar kadib gobonnimada 1960.

Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya France xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi iyo dano wadaag.

Munaasabadan kooban ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha joogtada KMG ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Cali Maxamed Cali, Agaasimayaasha Waaxyaha habmaamuuska, Yurub iyo Ameerika.

DHAMMAAD

001 002 003 004 005 006 007 008 009 Safiirka Faransa