U bood dhigaalka

Sawirro: Wasiir Xoosh Oo Arrimaha Dastuurka Kala Tashanaya Madaxda Iyo Shacab Puntland

Sheeko:Dalka

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda dawlad goboleedka Puntland. Wafdiga Wasiirka waxaa kamid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda.

Ujeedada booqashada ayeey tahay in wadatashi ku saabsan hannaanka dib u eegista Dastuurka la la yeesho madaxda iyo shacabka dawlad goboleedka Puntland.

Wafdiga Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh waxaa Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Aqalka Sare, Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Puntland Mudane Cali Siciid Oogle, iyo masuuliyiin kale, kadibna waxaa wafdiga loo galbiyay Madaxtooyada Puntland iyaga oo salaan ugu tagay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

AVV. Xoosh oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyay madaxda Puntland sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa isaga oo sheegay in kulamo wadatashi ah la qaadan doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa kale oo uu sheegay Wasiirka in Wasaaraddu ay si rasmi ah ay maanta u biloowday safaro ay ku tegi doonaan dhamaan dawlad goboleedyada dalka ka jiro si ay madaxda iyo shacabka uga la tashtaan Qorshaha Guud ee hannaanka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda diyaarisay.

DHAMMAAD

x1 x2 x3 x4