U bood dhigaalka

Sawirro: Weriye Ku Dhaawacmay Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax gaari ah oo ka dhacay isgoyska shaqaalaha ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa inuu ahaa gaariga weriye Ismaaciil Sheekh Khaliifa.

Weriyaha oo ku dhaawacmay ayaa la sheegayaa inuu qaraxu ku xirnaa gaarigiisa, dhaawaciisa waxaa loola cararay isbitaalka Digfeer.

Weriyaha Goobjoog News oo goobta gaaray waxaa uu soo sheegayaa in dhaawaca uu cuslaa, weriyaha ayaa aad dhiig baxay, waxaana dhaawaca uu ka gaaray dhabarka ama kiliyaha maadaama Qaraxa loogu xiray kursiga gaariga

Lama oga sababta, mana jirto cid sheegatay.

Goobjoog News