U bood dhigaalka

SAWIRRO: Xafladda Caleemo Saarka M/weynaha Hirshabeelle Oo Jowhar Ka Billaabatay

Sheeko:Dalka

Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa si toos ah hadda uga billaabatay hoolkii shirarka ee magaalada Jowhar.

Xafladdani lagu caleema saarayo madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda beesha caalamka ayaa ka qeyb galaysa xafladdani sida xoghayaha Qaramada Madoobe Meachal Keeting iyo sidoo kale wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya iyo danjirayaal kale.

Madaxweynayaasha maamullada dalka ayaa ka qeyb galaya waxaana xafladda illaa iyo hadda ku sugan madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed, madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Waxaa soconaya khudbadaha ay jeedinayaan madaxda ka qeyb galaysa xafladda.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

xafladda-caleema-saarka-jowhar-8 xafladda-caleema-saarka-jowhar-5 xafladda-caleema-saarka-jowhar-6 xafladda-caleema-saarka-jowhar-7

xafladda-caleema-saarka-jowhar-4 xafladda-caleema-saarka-jowhar-1 xafladda-caleema-saarka-jowhar-2 xafladda-caleema-saarka-jowhar-3

Goobjoog News