U bood dhigaalka

Sawirro: Xafladda Dhaarinta Baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland

Sheeko:Dalka

Waxaa hadda si habsami leh magaalada Kismaayo uga socota xafladda dhaarinta baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Munaasabadda waxaa gobjoog ka ah xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, madaxda Jubbaland, waxaana la filayaa in la dhaariyo ilaa 73 xildhibaan oo xalay lagu dhawaaqay.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Goobjoog News u sheegay in xulista baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland ay qeyb ka ahaayeen dhammaan odeyaasha dhaqanka ee Jubbaland.

Dhaarinta kadib, waxaa la filayaa in xildhibaannada guda galaan doorashada guddoonka, si kadib loo bilaabo diyaar-garaowga doorashada madaxweynaha Jubbaland.

Wararkan, kala soco, Goobjoog News

Goobjoog News