U bood dhigaalka

Sawirro: Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Xisbiga UPD Oo Booqanaya Kismaayo

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga midowga nabadda iyo horumarka(UPD)  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo dhoweeyey madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha isbaheysiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Xasan Sheekh waxaa la socdo Xildhibaanno golaha shacabka ah sida Axmed Macalin Fiqi iyo Xasan Yare iyo Senatorro ay ka mid yihiin: Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftin Xasan Baasto.

Sida uu ku warammayo weriyaha Goobjoog News ee Kismaayo, Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa hadda ku sugan guriga martida Kismaayo, oo ku yaallo koonfur galbeed ee magaalada.

Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay sidii uu guddoomiyaha isbaheysiga UPD ula kulmi lahaa mas’uuliyiinta iyo bulshada ku dhaqan Jubbaland, waxaana laga yaabaa inay qaadato wax ka badan 2 maalin.

Xisbiga UDP, waxaa lagu dhawaaqay October 4, 2018, Xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.

Goobjoog News