U bood dhigaalka

Sawirro: Xildhibaanada Cusub Ee Koonfur Galbeed Oo Maanta Beydhabo Lagu Dhaariyay

Sheeko:Dalka

Waxaa goordhow magaalada Beydhabo lagu  dhaariyey golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo noqonaya baarlamanka labaad ee maamulkaasi.

Xaflad ka dhacday magaalada Beydhabo oo ay goobjoog ahayeen guddiga madaxbannaan ee doorashada Koonfur Galbeed kuwaas oo horay usoo xulay xildhibaannada iyo ku xigeennada guddoonkii hore baarlamankii koowaad.

Sidoo kale xafladda ayaa waxaa goobjoog ahaa mudanayaal ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya, dhaqanka iyo qaar ka mid ah bulshada oo lagu casuumay xafladda dhaarinta.

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee soo xulay baarlamaanka maanta la dhaariyey  Maxamed Keeroow Maxamed ayaa goobto shahaadooyinkooda ku guddoonsiiyey xildhibaannada isaga oo kula dardaarmay in shaqadooda ay si wanaagsan u gutaan madaama ay wakiillo ka yihiin bulshada Koonfur Galbeed.

Xildhibaannada ayaa la filayaa in dhowaan dhexdooda ay iska doortaan guddigii qaban qaabinlahaa doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen oo lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Beydhabo.

Xildhibannada maanta la dhaariyey ayaa waxaa ay ka koob naayeen 95 mudane waxaana baarlamaankii koowaad ka soo galay 26 mudane, waxaa hoos loo dhigay qoondadii haweenka iyadoo 3 xubnood laga jaray baarlamaankii hore ayey ku lahaayeen 19 xildhibaan waxaana hadda la soo xulay 16 mudane oo haween ah.

Xildhibaannadii hore ayaa sidoo kale ka koobnaa 149 mudane, waxaana la kansalay 54 xildhibaan, maadama la soo magacaabay 95 mudane, sida uu qabo dastuurka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed, waxaana jira saluug ka dhashay dhimitaanka baarlamaanka labaad oo ay muujinayaan beelaha qaar ee dega Koofur Galbeed.

Halkan ka daawo sawirada

Goobjoog News