U bood dhigaalka

Sawirro: Xildhibaannadii Gaaray Cadaado Oo La Kulmay Xaaf

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana hoggaaminayey guddoomiye ku xigeena 1-aad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari)

Xildhibaannadan waxaa degmada Cadaado kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan maaamulka Galmudug.

Mudanayaashan ayaa ulajeedka ay u tageen degmada Cadaado ayaa ah sidii lagu xalin lahaa xiisad siyaasadeedka ka dhex aloolsan maamulka Galmudug.

Guddoomiye Abshir Bukhaari oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney la kulmi doonaan dhammaan dhinacyada Galmudug ee uu ka dhaxeeyo khilaafka siyaasadeed.

“Waxaan nahay mudanayaal Labada gole ka tirsan ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, ujeedada socdaalkoodana uu yahay xasilinta qalalaasaha siyaasadeed ee kasoo ifbaxay hay’adaha dastuuriga ah ee Galmudug, waxaan runtii hoosta ka xarriiqeynaa in ilaalinta sharciga iyo sarreynta Dastuurka uu siiyey yagleelidda hab dhismeedka iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed oo ah dowladda Federaalka Soomaliyeed, taasoo ku saleysan hannaanka baahinta xukunka ee habka Federaalka, kaas ayaan hoosta ka xarruuqeynaa, mar alle markii aan la kulanno qeybaha kala gedisan ee hay’adaha Dastuuriga Galmudug ayaan wixii warbixin dib ka sheegi doonnaa” ayuu yiri Senator Abshir Bukhaari.

Dhanka kale, xildhibaannada ayaa durba waxay kulan degdeg ah la yeesheen madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ay kala hadleen arrimo ku aadan xiisadda jirta.

Waxaa lagu wadaa sidoo kale in saacadaha soo aaddan ay xildhibaannada kula kulmaan degmada Cadaado, madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi.

Halkaan hoose ka daawo sawirada:

 

IMG_8664 IMG_8665 IMG_8666 IMG_8675 IMG_8678 IMG_8681

Goobjoog News