U bood dhigaalka

Sawirro: Xubno Ka Tirsanaa Al-shabaab Oo Isku Dhiibay Jubbaland

Sheeko:Amniga

Taliska hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka ee Jubbaland ayaa waxay soo bandhigeen Labo nin oo ay sheegeen iney ka tirsanaayeen Al-shabaab, kuwaasi oo isku dhiibay maamulkan.

Raggan ayaa lagu soo bandhigay degmada B/xaawo ee gobolka Gedo, waxaana saraakiisha Nabadsugidda Jubbaland ay sheegeen in raggan ay muddo sanado ah la shaqeynayeen ururka Al-shabaab.

Sidoo kale, raggan ayeey sheegeen in ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiil Jubbaland ah, laguna soo wareejin doono DFS.

Marar badan sidan oo kale, xubno Al-shabaab ah ayaa isku soo dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya, iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Goobjoog News