U bood dhigaalka

Sawirro: Xuska October 14 oo Ka Socda Isgoyska Zoobe

Sheeko:Amniga

Waxaa hadda socota munaasabad lagu xusayo dadkii ku waxyeeloobey xasuuqii October 14, 2017-kii ka dhacay isgoyska Zoobe.

Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabiyeen gobolka Banaadir waxaa khudbadi ka jeediyey mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka gobolka.

Waxaa sidoo kale goobta ku sugan dadweyne badan oo ay ka muuqato murugo, una badan dhalinyaro ka xumaa wixii maalintaas dhacay.

Dadka ehaladooda wax ku noqdeen qaraxa ayaa goobta joogay, caroor gaareysa ilaa 3,000 ayaa ku agoontoobey, dhaawaca waa uu ahaa in ka badan 300 halka ay ku dhinteen 687 qof.

Haddaba, Sawirada Munaasabadda: