U bood dhigaalka

Saxaafadda Soomaaliya oo Weerar Wajeheysa

Sheeko:Dalka

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, Anagoo ah hay’adaha hoos ku saxiixan ahna wakiilada suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-bannaan, waxaan aad uga walaacsanahay handadaadaha, weerarada, iyo cagajugleynta ka dhanka ah warfidiyeenada iyo warbaahinta madaxa banaan.

Sanadkii tegay ee 2019 waxa uu u ahaa warbaahinta iyo warfidiyeennada Soomaaliyeed mid cabsi badan, waxaa weeraro bartilmaameedsi ah lagu beegsaday 81 suxufi, 53 xabsiga ayaa loo taxaabay, 2 suxufi waa la dilay, 12 suxufina dalka ayay ka carareen kadib hanjabaado dil ah ay ku beegsadeen jilayaal kala duwan, waxaa la xiray 7 xarumo warbaahineed, in ka badan 15 goorna waxaa hor istaag lagu xaqa helista xogta iyo sharciga saxaafadda oo aan u daneyneyn saxaafadda, dhamaan qodobada kor ku xusan waxa ay yihiin kuwo xadgudub ku ah xuquuqaad dastuuri ah oo ay ahayd in mawaadiniintu xaq u leeyihiin inay helaan.

Sanadkan keli ah, weriye Cabdiweli Xasan Cali (Online) oo ah suxufi madax banaan, ayaa 16 Febraayo ee sanadkan dabley hubeysan ku toogteen degmada Afgooye, 19 warfidiyeen xabsiga ayaa loo taxaabay, oo qaarkood laga tirtiray agabkoodii laga tirtiray shaqooyinkii ay soo qabteen, 4 suxufi waa la garaacay, labo warbaahin waa la mamnuucay iyo horjoogsi xaqa helista xogta oo saxafiyiin badan lagu sameeyay iyo handadaad lagu bartilmaameedsanayo suxufiyiinta wax-ku-oolka ah waxa ay muujineysaa sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay dagaalka ay kula jirto warbaahinta madaxa banaan.

Hay’adaha metela warbaahinta madaxa banaan iyo suxufiyiinta waxa ay aad uga walaacsan yihiin tallaabooyinka qallafsan oo ay ku dowladdu ku dooneyso inay ku caburiso warbaahinta iyo suxufiyiinta safka hore kaga jirto tebinta cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, iyadoona hor istaag ku sameyneysa qulqulka iyo helista xogta. Waxaan aaminsanahay in doorka warfidiyeenada iyo suxufiyiinta oo lagu qeexay dastuurka Federalka KMG ah uu yahay inay ku wargeliyaan shacabka xogaha daruuriga ah ee saameynta ku leh noloshooda oo ay ku jirto helista xogta iyo baahinta wararka la xiriira cudurka Korona.

Anagoo ugu baaqeynaa dowladda Federalka ah iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah inay si deg deg ah u joojiyaan dhamaan hanjabaadaha, cagajugleynta, xarigga iyo gabood-falkada ka dhanka ah warfidiyeenada, ayaan haddana, anagoo mareyna qareenkeena waxaan warqad cabasho oo rasmi ah oo qeexeysa tacadiyada ka dhanka ah warbaahinta iyo suxufiyiinta xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliyeed Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’isul Wasaare Md. Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Haddii dowladdu dhegaha ka fureysato cabashadeena, ma jiro doono waddo kale oo noo furan oo aan ahayn in aan cabashadeena u gudbino Maxkamadaha awoodda u leh.

War-murtiyeedka waxaa wada saxiixay:

  1. Somali Media Association (SOMA)
  2. Somali Independent Media Houses (SIMHA)
  3. Federation of Somali Journalists (FESOJ)
  4. Somali Women Journalists Organization (SWJO)
  5. Somali Journalists Syndicate (SJS)