U bood dhigaalka

Saxafiga Xasan Xanafi oo Dil Toogashada ah Lagu Xukumay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda  darajada koobaad  ee ciidamada qalabka sida ee dalka ayaa maanta saxafiga Xasan Xanafi Xaaji Cabdisalaan oo 28 jir ku xukuntay dil toogasho ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Saxafigan lagu eedeeyay in uu dilay marxuumiinta kala ah: Mahad Axmed Cilmi, Cali Iman Sharma’arke, Saciid Tahiil Axmed, Mukhtaar Maxamed Hiraabe iyo Sheekh Maxamed Abkey.

Sida ay Maxkamadda sheegtay ninkan waxaa uu qirtay in uu ka tirsanaa Al-shabaab isla markaana uu fududeeyay qaar ka mid ah dilalka kor lagu sheegay.

Maxkamadda waxaa su sidoo kale caddeysay in ay heshay codad laga duubay, marqaatiyo maxkamadda hor yimid iyo qiraal uu isaga sameeyay.

Maxkamadda oo saacado socotay waxaa ay ugu dambeyntii ku dhawaaqday in uu Xasan Xanafi dambiile yahay oo uu galay dhamaan dambiyada lagu soo oogay, isla markaana lagu xukumay dil toogasho ah, waxaase u furan racfaan.

Saxafigan Xasan Xanafi  waxaa  marka hore qabtay ciidamada amaanka Nairobi bishii August 2014-kii iyadoo hey’adda NISA ay Muqdisho ku soo bandhigtay bishii December 9-keedii ee isla sanadkaas xiligaas kadib waxaa uu ku xirnaa Muqdisho.

Lama oga sababta xiligan ku soo beegtay maxkamadda ninkan, lakin magaalada Muqdisho waxaa ka jirta amni darro aad u xoogan taas oo keentay in  baarlamaanka iyo shacabka ay cadaadis saaraan hey’adaha amaanka dalka waxaana su’aalo badan laga keenay amniga magalaada Muqdisho.