U bood dhigaalka

Saylad Saamiyada Lagu Kala Iibsado oo La Sheegey In Laga Furayo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

TuseSuuq Saamiyada lagu kala iibsado ayaa la sheegey in laga furayo Soomaaliya biloowda sanadka soo socda, waxaana durba is diiwaangaliyey illaa 7 shirkadood oo waaweyn oo ay ka midyihiin kuwa shidaalka soo saara.

Hadalkani waxaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegey Ciid Maxamed oo ah asaasaha suuqani saamiyada, xili uu ka qeybgalayay shir agaasimeyaasha suuqyada saamiyadda ama Stock Exchange oo ka dhacayay magaalada Diani ee dalka Kenya.

Wuxuu sheegey in shirkadaha is diiwaangaliyey ay ka midyihiin kuwa isgaarsiinta, iyo kuwa xawaaladaha iyo bangiyo ay Soomaalida leedahay, iyo sidoo kale shirkado waaweyn oo shidaal qodis ah oo haatan baaris ka wada Soomaaliya.

Wuxuu sheegey in dhibka ugu badan ee uu la kulmey ay tahay sidii uu u heli lahaa dadkii xirfada u lahaa ee ka shaqayn lahaa suuqani , iyada oo haatan uu dad ku tabobarayo dalka Kenya.

Suuqani Saamiyada Soomaaliya ayaa waxa uu garab ka helayaa suuqa saamiyada Nairobi.

Goobjoog News