U bood dhigaalka

Scott Morrison Oo Noqday Ra’isul wasaaraha Australia

Sheeko:Dalka

Scott Morrison ayaa maanta oo  jimchana noqday ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Australia kadib markii ay xisbiga ku gadoodeen ra’isul wasaare Malcolm Turnbull.

Mr Turnbull waxaa saarnaa cadaadis, ma heysan taageero fiican, aftiyada la qaadana waxuu heli jiray dhibco hoose, taasi oo lagu micneeyay in xisbigiisa iyo xildhibaannada aaney raalli ka aheyn.

Mr Morrison, oo ahaa wasiirka maaliyadda, waxaa uu helay 45-40, isaga oo ka adkaaday wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Peter Dutton.

Mr Turnbull waa ra’isul wasaarihii 4aad ee xisbigiisa ay tuuraan.

Goobjoog News