U bood dhigaalka

Askar Ka Wada Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Isku Rasaaseeyay Wadada Makka Al-mukarrama Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Seddax qof ayaa ku dhaawacantay israsaaseyn dhexmartay Ciidamo  ilaale u ahaa gaari  qufulan iyo  ciidamadda dowladda ee baaritanka ka haaye Isgoyska Dabka ee Wadada Maka Al-Mukarrama magaalada Muqdisho .

Ciidamada ilaaladda u ahayd Gaarigaas ayaa  ku ridday rasaas gaari saarif ah oo ay la socdeen Laba Nin oo xiran dharka Booliiska  kuwaas oo fogaan yar u jirsaday gaariga ay ciidamadaasi ilaalinayeen .

Mar Labaad oo ay u baaciyeen in ay rasaas ku ridaan ayaa waxa taasi ay dhalisay in ciidamadda Dowladda ee halkaasi ku sugnaa rasaaseeyaan ciidamada kale taas oo  ku dhowaad daqiiqad qaadatay .

Dadka dhaawacmay ayaa ahaa dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa , xilliga israsaaseyntu dhacaysayna waxa ay wadadaasi ahayd mid mashquul ah .

Mar qura ayey dadkii halkaasi joogay ku kala carareen, goobtuna isku badashay meel dagaal ah.

Ma jirin khasaare soo gaaray ciidamadii Labadda dhinac , sidoo kale lama arag dhimasho ka dhalatay israsaaseyntaasi.

Goobjoog News