U bood dhigaalka

Seddex Qof Oo Lagu Dilay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dadka degaanka Xarakada Alshabaab ayaa seddex qof ku dishay degaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan halkaasoo ay shalay la wareegeen kadib ka bixitaankii ciidanka dowladda iyo AMISOM.

Seddexda qof ayaa wararka aynu heleyno waxay sheegayaan in Alshabaab ay ku eedeysay inay la shaqeynayeen ciidankii dowladda ee ka talinayay Ceelcali.

Labo kamid ah dadkaan ayaa lagu gowracay degaankaasi halka qofka kalena ay toogasho ku dileen.

Dadka degaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in xaalad cabsi ah ay ka jirto halkaasi islamarkaana ay howlgallo Alshabaab ka wadaan gudaha degaankaasi.

Waxaa sidoo kale jirta in ku dhowaad 20 ruux ay xirxirtay Alshabaab kuwaasoo eedaha ugu badan oo ay ku heystaan ay kamid yihiin la shaqeynta ciidanka Dowladda.

Goobjoog News