U bood dhigaalka

SEIT Koonfur Galbeed Oo Shaaciyay Odayaasha Dhaqanka Lix Kursi

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyey liiska bulshada iyo  dhaqanka  ee soo kala xulaya ergada kala dooraysa lix kursi, kuwaas oo ka tirsan golaha shacabka Baarlanmaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaliya, oo maraya waqtigii ugu dambeeyey goortii loo asteeyey in logu gabagabeeyo

Guddiga ayaa shaaciyey magacyada 15 xubnood kuwaas oo isugu jira odayaasha dhaqanka iyo Bulshada riyadka ah, waxaa ay soo xulayaan ergada dooran doina kuraas sumaddu kala tahay  HOP#183HOP#230, HOP#050,HOP#178, HOP# 253 iyo HOP#275,  ee golaha shacabka, waxaana doorashada kuraastaan ay ka dhici doontaa magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#050 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif.

2:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#178 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Xasan Cali Maxamed Amardambe.

3 Kursiga tirsigiisu yahay HOP#230 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim Ibbi.

4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#183 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Sandheere Maxamed Iftin.

5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#275 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan.

6: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#253 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Samiira Ibraahim Cumar.