U bood dhigaalka

Senator Axmed Nadiir “Dhibaatada Sh/hoose Waxaa Lagula Xisaabtamayaa K/galbeed”

Sheeko:Baarlamaanka

Senator Axmed Nadiir oo kamid ah xildhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka K/galbeed lagula xisaabtamayo dagaallada soo noqnoqday ee ka dhaca Sh/hoose.

Xildhibaanka oo ka qeybgalay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho, loogana hadlayey colaadaha soo noqnoqday ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la qaato go’aaan niyad ah oo lagu joojinayo colaadahaasi.

“Waxaan si toos ah oo aan gabasho lahayn aan dusha uga saarayaa dhibaatada Shabellaha Hoose gaar ahaan meeshaan kusoo gaartay in mas’uuliyaddaasi qaadi doonto kulana xisaabtami doonno maamulka K/galbeed, aan ahaanno dad maanta dalkoodii iyo dadkoodii culeys badan ka saaran yahay, laakiin yaan qalbiga ka dhiman, qalbigeennu ha ahaado inaan ka bixi doonno maanta midda taagan iyo in go’aannada halkaan kasoo baxa ay noqdaan mid la qaado oo ahaada go’aan lagu midoobo”

Deegaannada K/galbeed waxaa kusoo noqnoqday dagaallo sokeeyey, waxaana ay sababeen dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.

Goobjoog News