U bood dhigaalka

Senator Cabdi Axmed Xaashi “ONLF Looma Aqoonsan Karayo Aragagaxiso” (Dhageyso)

Sheeko:Baarlamaanka

Senator Axmed Xaashi oo ka mid ah mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ururka ONLF aan loo aqoonsan karin urur argagaxiso ah.

Waxa uu sheegay Senator-ka in wax laga xumaado ay tahay in wasiirada xukuumadda federaalka ay argagaxiso u aqoonsadaan ONLF, iyadoo caalamka aanu taa qabin.

“Waxaa fajacisho nagu noqotay go’aanka kasoo baxay golaha wasiirada, waxaan ka hadleynay waxay ahayd muwaadin Soomaali ah oo la dhiibay, ku dhashay Soomaaliya, ku barbaaray Soomaaliya, wey ka dartay arrintu sidii, waxay aadday in urur la yiraahdo ONLF inuu argagaxiso yahay, caalamka uma aqoonsana…micnaha marka argagaxiso laga hadlayo qeex bay leedahay oo caalamka u yaqaanaa, ninka xaq u dirirka ah iyo argagaxisadu Labo micno ayeey kala leeyihiin, ONLF looma aqoonsan karayo Aragagaxiso, waxaa loo aqoonsan karayaa dad xaq u dirir ah” ayuu yiri Senator Axmed Xaashi.

Senator Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Baarlamaanka hadaan nahaya, arrinta Soomaaaliya sida wiliasha yar yar ugu ciyaarayaan ma ahan, wey ka weyn tahay, wiil meelahaa ka yimid inuu Soomaaliya xambaarto oo waxeeda oo dhan dusha saarto wey ka weyn tahay, intaas oo Kun oo Soomaali ah baa usoo dhimatay halganka Soomaaliya”

Golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ururka ONLF ku sheegay mid argagaxiso.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News