U bood dhigaalka

Senator Faroole Oo Baaq Nabadeed U Direy Puntland Iyo Somaliland

Sheeko:Baarlamaanka

Senator C/raxmaan Faroole ayaa ka hadlay dagaalladii ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalladaasi.

Faroole ayaa ugu baaqay Labada dhinac ee dagaallamaya iney nabadda qaataan oo ay u turaan shacabka ku dhaqan deegaannada la isku hayo.

“Waxaan jeclahay inaan wax ka iraahdo xiisadda ka aloolsan deegaanka Tukaraq oo ahayd kastamkii iyo xaruntii Sool intii Laascaanood la qabsaday, waxaan cambareynayaa duulanka bishii 8-dii ay ciidamada Somaliland ku qabsadeen Tukaraq, waxaan ka xumahay dagaalladaasi..waxaan ku baaqayaa Nabad, shacabka Puntland iyo Somaliland raali kama ahan dagaalladan” ayuu yiri Faroole

Dhanka kale, C/raxmaan Faroole ayaa si gaar ah ugu baaqay Somaliland ineysan hadda deegaanno nabdoon aysan colaad ka hurin ee haddii ay wax qabanayaan ay ka qeybqaataan dib u heshiisiinta beelihii ku dagaallamay Sool.

Ciidamada Somaliland ayaa 8-dii bishan waxay dagaal ku qabsadeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, iyadoo weli ay jirto xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.

Goobjoog News