U bood dhigaalka

Senator Faroole Oo Guddoonka Golaha Shacabka Iyo Wasiirka Dastuurka Ku Eedeeyay Faragelinta Dastuurka

Sheeko:Baarlamaanka

Cabdiraxmaan Faroole oo ah Senator ka tirsan aqalka sare oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa dhaliilay guddoonka golaha shacabka iyo wasiirka dastuurka isaga oo sheegay in ay faragelin ku hayaan dib-u-eegista dastuurka.

Mr. Faroolle oo arrintaasi ka hadlay waxaa uu yiri “Wax badan ayaa la isku dayey in dowlad la dhiso illaa 91kii, illaa hadda meesha ay mareyso oo dowlad dhexe oo door-weyn Puntland ka qaadatay, dastuur sameyntii, marti gelintiisa iyo wax ka qeysbigiisii meshii ugu dambeysay marka la dhameystiray oo dowladihii Federaalka xubinta ka ahaa la dhameystiray, madaxweynihii la doortay federaalka ahaa, labadii aqal oo dastuuriga ahaa la dhisay carqalad kale ayaa soo baxday, carqaladda socotaa waxaa weeye, waxaa lala dirirayaa nidaamkii federaalka ahaa, waxaana qeyb-weyn ka ah dowladda federaalka qeybaheeda qeyb ka mid ah No.1 haddii aan ka soo qaado hoggaanka golaha shacabka iyo cidda magacawday wasiir aan ku habooneen oo awalba loo heystay dastuurka federaalka ah KMG ah shirweynihii dastuuriga ahaa August 1, 2012 lagu ansixiyay Xamar faraha gelisay oo buug wax ka badalay dastuurkii hore soo saartay oo saxiixday”.

Senator Faroole waxaa uu sheegay wasiirka  aanu shaqado ku laheyn howsha dastuurka ee hadda socota sida ku qoran 133, 134 qeybtii ay ku lahaayeen xukuumadda ay soo dhammaatay sida dhismaha  Dowlad goboleedyadii, maamulladii iyo aqalka sare,  isaga oo soo jeediyay in arrintaas faraha lagala baxo.

Dhinaca kale, Senator Cabdiraxmaan Faroolle waxaa uu baaq nabadeed u diray dad xoolo dhaqato ah oo ku nool inta u dhaxeysa Itoobiya,  Laas-caanood, Nugaal iyo Mudug .

Goobjoog News