U bood dhigaalka

Senator Faroole Oo Ka Tanaasulay Musharraxnimadiisa Madaxweyne

Sheeko:Dalka

Senator C/raxmaan Faroole oo kamid ahaa musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhow oo maanta ah ku dhowaaqay inuu ka tanaasulay ka qeybgalka tartanka doorashada madaxweynaha.

Faroole ayaa sheegay in Tanaasulkiisa uu yimid kadib markii uu arkay tiro badnaanta musharraxiinta, iyo sidoo kale in la helo tiro yar oo musharraxiin ah si loo helo dad ay kala xushaan xildhibaannada baarlamaanka Federaalka.

Waxa uu Faroole usoo jeediyey musharraxiinta kale in iyaguna sidan oo  kale u yareeyaan tiradooda oo qaarkood ay tanaasulaan.

“Kol haddii ay bateen musharraxiintii, xildhibaannadiina wareer ka dhacay oo ay garan la yihiin musharraxiintaan tirada badan cidda ay dalka hoggaankiisa ku aamini lahaayeen , waxaan soo jeedinayaa in arrintaan wax laga bedalo, anigana ugu horreeyo, waxaan maanta go’aansaday in doorashada berri dhacaysa aan shaqsiyan ka haro, waxaan usoo jeedinayaa musharraxiinta isbedal doonka ah iyaguna iney is yareeyaan oo qaarkood ay ka haraan si ay u yaraadaan dadka la dooranayo, waxaan usoo jeedinayaa xildhibaannada in codkooda aaney ku bixin qabyaalad iyo jamciyado kale oo ay ku bixiyaan wadaniyadnimo”

Faroole ayaa ugu dambeyn sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dad shisheeye ay farogelin ku sameeyaan arrimaha Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in Soomaalida la isku daayo oo laga daayo wax walbo oo farogelin ah.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha, waxaana musharraxiinta hadda isku soo haray tiradoodu gaareysaa 22 mudane.

Goobjoog News