U bood dhigaalka

Senator Faroole Oo Ku Baaqay In Dib Loo Furo Wadahadalladii DFS Iyo Somaliland (Dhageyso)

Sheeko:Baarlamaanka

Senator C/raxmaan Faroole oo ka mid ah aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in dib loo furo wadahadalladii dowladda federaalka iyo sidoo kale Somaliland.

Waxa uu sheegay Senator  Faroole in Somaliland ay xilli hore codsatay wadahadalladaasi, islamarkaana ay diyaar u yihiin iney DFS la hadlaan.

Sidoo kale, Faroole ayaa sheegay in sababaha sii dheereeyey hakadka wadahadallada tahay kadib markii uu sheegay in Somaliland Tukaraq dagaal ku qabsatay, wuxuuna ka dalbaday iney dib uga baxaan deegaankaasi, si loo sii hadlo.

Dowladda federaalka ayuu dhankeeda ka dalbaday iney furto wadahadalladaasi, islamarkaana fursad la siiyo dowladda Turkiga oo dooneysa in Labada dhinac u kala dab qaaddo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News