U bood dhigaalka

Senator Fartaag “790 Guri Oo Soomaali Leedahay Ayaa Dhanka Kenya Maray” (Muuqaal)

Sheeko:Baarlamaanka

Senator Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo kamid ahaa wafdigii dhowaan tagay degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey waxyaabihii ay halkaasi kusoo arkeen.

Waxa uu sheegay in ay muuqato xadgudub dhanka Kenya ah, islamarkaana meesha ay hadda siliga ku xireen ee B/xaawo marka la eego ay dhankooda mareen 790 guri oo ay leeyihiin dad Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Sidey inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta, maamulka iyo waqxgaradka aan ku aragnay B/xaawo, waxay inoo sheegeen barta siligan uu soo maray ee hadda Lixda KM dhisan oo wabiga laga bilaabo illaa magaalada Afkeeda ah in 790 guri oo Soomaaliya ay leedahay iney dhanka Kenya martay, xuduud beenaadkaasi marka ma keenaa mise kooda, waa mid u baahan in la saxo, laakiin siligaasi hadda maray ee dadka dhagax tuureen waxaan idiin sheegayaa golaheena aqalka sare 790 Soomaalida leedahay iney xaggaasi martay, Soomaalida Kenya ma ahan ee waa Soomaalida Soomaaliya” ayuu yiri Senator Fartaag.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan waxay kusoo xadgudubtay xuduuda aan rasmiga ahayn ee dhanka B/xaawo, waxaana arrintaasi kahoryimid shacab arrintaasi kasoo horjeeda.

Waxaa dhanka kale jira magaalooyin kale oo sidan oo kale dowladda Kenya uga waddo boob xooggan oo dhanka xuduudda ah.

Dhinaca kale, guddoonka aqalka sare ayaa sheegay in uu xiran yahay kalfadhiga 2aad ee aqalka sare, Xildhibaannada ayaa galay fasax 2 bil.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka:

Goobjoog News