U bood dhigaalka

Senator Fartaag: Waxa Gaalkacyo Ka Dhacaya Looma Dulqaadan Karo

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland, haatanna ka mid ah xubnaha aqalka sare C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa si kulul uga hadlay dagaallada ka socda magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Fartaag ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karin dagaallada Gaalkacyo oo ay ku dhammaanayaan shacab aan waxbo galabsan, wuxuuna ku baaqay in degdeg dagaallada lagu joojiyo.

Sidoo kale C/laahi Fartaag ayaa si gaar ah farriin ugu diray madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug oo uu sheegay in iyaga si gaar ah loogala xisaabtami doono dhibaatada soo gaarta shacabka Gaalkacyo.

“Waxa Gaalkacyo ka dhacaya ma ahan wax loo dulqaadan karo, ma ahan wax sax ah, shacabka ku jira xilliga kuleelaha oo madaafiicda lagu ridayo waa wax aan sax ahayn, Madaxweyne Guuleed iyo Madaxweyne Gaas waxaan idiin leeyahay dadka u tura, ilaahay wuu idin ku su’aalayaa ee ilaahay ka baqa, waxa dhamaanaya waa wiilashiina, waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah aad dagaalka ku joojisaan, nimanka madaxweyneyaasha ka ah Labada dowlad goboleed waa la idiin su’aali doonaa arrintan ee degdeg nabadda ku keena” ayuu yiri Fartaag.

Dagaallo u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare kala duwan.

Goobjoog News