U bood dhigaalka

Abshir Bukhaari: Senator-kii Ugu Horeeyay Ee Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug waxaa goordhaw lagu doortay senator-kii ugu horeeyay ee Soomaaliya, tilaabadan ayaa qeyb ka ah doorashada aqalka sare ee 2016-ka.

Abshir Maxamed Axmed waxaa uu helay 48 cod halka labada la tartameysay ay kala heleen Axmed Cabdi Kaahiye 23 cod iyo Kamaal Daahir Xasan 16 cod.

Mr. Bukhaari, waxaa noqday senator-kii ugu horeeyay ee abid Soomaaliya tan iyo markii xuriyadda la qaatay 1960-kii, waxaa uu ka mid noqonayaa xubnaha 54-ta ah ee ka tirsan aqalka sare.

Axmed waa si fiican u yaqaano qeybo badan oo bulshada ka tirsan, waxaa lagu bartay siyaasadda, Saxaafadda, waxbarashada, hey’adaha ka shaqeeya arrimaha banii’aadnimada iyo qeybo kale.

Abshir (Bukhaari), waxaa shakhsi khibrad badan leh, wax badan ka yaqaano siyaasadda Soomaaliya, xiliyadii dambe goobaha uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah:

BBC Monitoring

Hey’adda CRD

UN HABITAT

Telefishanka Caanka ah ee Al-Jazeera Network

Agaasime Madaxtooyada Soomaaliya

Maamulaha iyo Milkiilaha Goobjoog Media Group

Aasaasaha Baarlamaanka Barbaarta oo ka kooban tiro la mid ah tirada Xildhibaanada federaalka oo 30% ay gabdho yihiin.

Abshir Bukhaari, waxaa uu wax badan ka qabtay arrimaha banii’aadamnida, waxaa kaloo uu lahaa goobo waxbarasho oo lagu daryeelo caruurta, dadka dan yarta ah iyo xitaa caruurta dadka laga tirada badan yahay.

Kursigan Abshir loo doortay waxaa uu ka mid yahay illaa 8 kursi oo maamulka Galmudug ay ku yeelan doonaan aqalka sare ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa si habsami leh u socota doorashada aqalka sare:

Kursi Labaadna waxaa ku guuleystay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Qeybdiid waxaa horay u soo noqday madaxweynaha Galmudug

Kursiga sedexaad Axmed Abdi Dhagdheer

Kursiga Afaraad: Yusuf Geelle Ugaas

Kursiga Shanaad: Zamzam Daahir Maxmud, Zamzam waa gabadhii ugu horeysay ee ku biirta Aqalka sare ee Soomaaliya.

Doorashada aqalka sare ayaa intaa lagu xiray, waxaana lagu wadaa in 3 kursi ee hartay berri dhameystiro.

Liiska oo dhameystiran, kala soco Goobjoog News