U bood dhigaalka

Senator-kii Ugu Horreeyey Ee Hirshabelle Oo Baaq u Diray Puntland Iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Cismaan Axmed Macow oo noqday Senator-kii ugu horreeyey ee ay doortaan xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa fariin  nabadeed waxa uu u diray maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay Senator-ka oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News in dagaal sokeeye aanu dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed,  loona baahan yahay in madaxda Galmudug iyo Puntland ay u turaan shacabkooda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale Senator- Cismaan ayaa dhanka kale sheegay in uu wax badan ka qaban doono shaqsi ahaan dhibaatooyinka kala duwan ee kusoo noqnoqday deegaannada gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Waxa uu tilmaamay in uu ka shaqeyn doono wax walbo oo shacabka Soomaaliyeed mideyn doono, kana dheeraan doono wax walbo oo shacabka kala geynaya waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shalay doorashada ka dhacay degmada Jowhar ayaa xildhibaannada Hirshabelle waxay kusoo doorteen 8-kursi ee ay ku leeyihiin aqalka sare xubnihii u matali lahaa.

Goobjoog News