U bood dhigaalka

Senator Mareykanka Ah Oo Soomaaliya Ku Tilmaamay Dal Aan Aheyn Hanti-goosad ah, Kana Jirin Xuquuq Dastuuri Ah

Sheeko:Dalka

Rand Paul oo ah Senator ka tirsan Mareykanka ayaa Soomaaliya ku tilmaamay dal aan aheyn hanti-goosad ah, oo aaney ka jirin xuquuq dastuuri ah isaga ka deyriyey xaaladda guud ee dalka.

Senatorka oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “ Ma jirto hanti-goosad, xuquuqdii uu ilahey dadka siiyey kuma xusna dastuurkooda, todobo beel ayaa dagaalamaya 40-kii sano ee la soo dhaafay”.

Arrintan ayuu jeediyey isaga oo ka hadlayey Ilhaan Cumar, waxaa uu Rand Paul u soo jeediyey haweeneydan asal ahaan ka soo-jeeda Soomaaliya iney dib ugu soo noqoto dalkan ku yaala geeska Afrika, oo ay aragto heerka dhibaatada.

“Marka ay Soomaaliya booqato, waxaa ay qadarin doontaa Mareykanka”…”Dalkan ay leedahay cadaalad kama jirto, wey timid, waan quudinay, dhar ayaan u xirnay, nolol, waxbarasho iyo caafimaad ayey ku heshay” ayuu sheegay Senator Rand Paul

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir