U bood dhigaalka

Senator Muuse Suudi “Heshiis Hadda Kadib Oo Ku Dhiman Farmaajo Ma Jiro”

Sheeko:Baarlamaanka

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa sheegay in aanay jirin wadahadal dambe oo u dhiman madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, kuwaasi oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

Wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha uu kursiga ugu fadhiyo oo kaliya sidii uu isaga horkeeni lahaa beelaha Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xaaji Muuse ayaa tilmaamay in dalka haatan uu taagan yahay meel hoose oo u baahan in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto.

“Waxaa aad loogu noq-noqday heshiis hadda ka bacdi ah, heshiis hadda ka bacdi oo ku dhiman Farmaajo ma jiro, Farmaajo Labadi lugood midna Puntland ayaa ka goosatay, midna Jubbaland, gacan midig ahna waxaa uga dheggan Galmudug, waxaa soo haray calool, Af iyo gacan bidix oo aan wax lagu cuni karin, halahaasna lalama shaqeyn karo, qof uu rabo ma jirto….qof la arkaba qabiilkeeda ayuu u adeegsadaa, iska horkeen kaliya ayaa kursigiisa yaalla, wuu is qariyaa, dadka inuu isaga ka dhex hadlaayo annaga waan ognahay, dadka iney moogyihiin ayuu u qabaa, dadkaan qaacis ayeey yaqaanaan” ayuu yiri Yalaxow.

Ugu dambeyn, Muuse Suudi ayaa ku baaqay in wadatashi degdeg ah laga galo xaaladda dalka, si sare looga qaado halka uu haatan joogo.

Hadalkan ayuu Senator Muuse Suudi Yalaxow wuxuu ka sheegay munaasabaddii shalay lagu caleema-saarayey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Goobjoog News