U bood dhigaalka

Senator Qeybdiid “Hala Joojiyo Dagallada Xeraale Iyo Cadalle”

Sheeko:Baarlamaanka

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dagaallada ka socda deegaanka Xeraale, Galgaduud iyo sidoo kale deegaannada hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxa uu sheegay Qeybdiid in dagaalladan yihiin kuwo aanay dan ugu jirin shacabka ku dhaqan deegaannadaasi, loona baahan yahay in wax walbo lagu dhammeeyo wadahadal.

Sidoo kale, Qeybdiid ayaa sheegay in waxgaradka ku sugan gobolladan looga baahan yahay iney kaalin mug leh ka qaataan daminta colaadahan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News