U bood dhigaalka

Senator Qeybdiid Iyo Danjire Keating Oo Gaalkacyo Gaaray

Sheeko:Dalka

Wararka hadda naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi uu goor dhow gaaray Sanator Cabdi Qeybdiid iyo wakiilka Qaramada Madoobe ee Soomaaliya Danjire Micheal Keating.

Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) ayaa garoonka diyaaradaha Oshaako ee magaalada Gaalkacyo waxaa ku soo dhoweeyay masuuliyiinta maamulka degmada, saraakiil ciidan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo garoonka kaga hortagay.

Cabdi Qeybdiid ayaa xubin ka ah aqalka sare ee dowladda Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Madoobe Keating ayaa Gaalkacyo u tegay sidii uu ula kulmi lahaa guddiga colaadda magaaladaasi oo labada dhinac ah.

Waxyaabaha laga wada hadli doono ayaa kamid ah sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada labada dhinac ee isku horfadhiya weli goobaha lagu dagaallamay.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News