U bood dhigaalka

Senator Raage “AMISOM Wax Faa’ido Ah Oo Ay Dalka u Hayaan Maleh”

Sheeko:Baarlamaanka

Senator Maxamed Xuseen Raage, oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka aanay xilligaan wax faa’ido ah u hayn Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay haystaan hub casri ah, balse askariga Soomaaliyeed ee la rabay dalka inuu difaaco uu la hub yahay cadowgiisa.

Senator Raage ayaa tilmaamay in ciidamada Soomaaliyeed si ay u hantaan dalkooda, loona soo celiyo awooddooda u baahan yihiin in la mideeyo tababarkooda, lana siiyo hub ka xooggan kuwa ay haystaan Al-shabaab.

“Ciidamada Soomaaliyeed tababarka ay qaateen wuxuu ahaa midka ruushka, waayo xilligaasi mid aad u xooggan buu ahaa, in la helo waaye ciidan Hal tabobar leh, ciidan aan Hal Tabobar lahayn howlghal ma sameyn karaan, waxaan kugu darayaa in qoladan AMISOM aanay hayn wax micno leh, dhibaatada ciidanka Soomaaliyeed haysta waxa uu yahay iney haystaan hubka Al-shabaab ay haystaan, waana isku mid Hubka… AMISOM wax faa’ido ah oo ay dalka u hayaan maleh, hadda haddii ay leeyihiin Soomaaliya lagama bixi karo 1,200 doolar ayeey ku qaataan, dagaal markii la’aado waad arkeysaan oo wixii Balcad ka dhacay wey kasoo carareen oo ciidan Soomaali ah baa ka reebay” ayuu yiri Senator Raage.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda dedaal ku aadan diyaarinta ciidamo adag oo AMISOM dalka kala wareega.