U bood dhigaalka

Senator Xuseen: Haddii Madaxda Qaranka Aney Ogeyn Weerarka Waa Dayacaad Qaran

Sheeko:Baarlamaanka

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in weerarkaasi uu aad u niyadjabinayo isla markaana ka dhigan yahay in duulaan lagu soo qaaday dastuurkii KMG ah ee dalka u degsanaa.

Senator Xuseen ayaa intaasi raaciyay in Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid markii gurigiisa la weerarayay ay ku wada jireen shir arrimaha dastuurka looga hadlayay, dhacdadaasna ay tahay mid ay aad uga argagaxeen.

Senator Xuseen ayaa sheegay in haddii madaxda qaranku ay ogaayeen ay la macno tahay musiibo qaran haddii aysan ka war heyninna ay lamid tahay dayacaad qaran.

Wuxuu kaloo sheegay in weerarkii guriga mudane Cabdi Xasan Cawaale lagu qaaday iyo kii siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isna maalmo ka hor dhacay ay yihiin weerarro siyaasadeed ayna uga digayaan in dalka ay fowdo ka abuuraan

“Weerarkaasi waxaa uu ka dhiganyahay weerar lagu soo qaaday dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee Soomaliyada hadda dimuqaraadiyadda rabta ku dhaqmeysay,  waa weerar lagu soo qaaday sarreynta sharciga,  waa weerar lagu soo qaaday xildhibaannada baarlamaanka Fedaraalka weerar dowladnimada halis ku ah ayuu u muuqdaa”

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii ka hadlay ogaanshiyo la’aanta madaxda ee weerarka” Waxaan isleeyahay  madaxda qaranka waxaan u xilsaaranay inay maamulaan hay’adaha fulinta oo iyaga Koontaroolaan inay wax ka ogaayeen ayaan rajeyneynaa haddii aysan ogeyn waa aay ka sii darantahay waxayna noqoneysaa waddankii oo aan lagaraneynin cidda maamuleysa labada jeerba haday ogaayeen madaxda qaranka waa xad-gudub dastuur haddii aysan ogeyna waa halis inteeda la eg oo wadanka cid maamuleysa iyo cid gacanta ku heysa labadaba mid halis galineyso waaye”.

Goobjoog News