U bood dhigaalka

Senator Xuseen Sheekh: Jawaab Looma Qaadan Karo Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Sheeko:Baarlamaanka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay waxaa ay soo saartey Warmurtiyadeed kaas oo lagaga hadlay doorashooyinka dowlad goboleedyada qaar iyo khilaafka Villa Somalia kala dhaxeeya dowladaha Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Inkasta oo warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda aan si cad loogu sheegin in lagaga jawaabayo warkii eedeynta ah iyo digniinta ahaa ee ka soo yeeray Gudiga Joogtada ee Aqalka Sare ayaa hadda waxaa lagu yiri “Gogoshii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay madaxda maamul goboleedyada ay weli sideedii u taallo, islamarkaana dowladda ay diyaar u tahay inay dhageysato cabashooyinkoodii”.

Haddaba, Goobjoog News waxaa ay arrintaasi weydiisay Senator Xuseen Sheekh Maxamud Xuseen, haddii ay wasaaradda u soo jawaabtay iyo in kale?

“Aniga shakhsiyan, waqti in la qabto waa muhiim, laakin aqalka sare arrinta uu ka hadlayo waa su’aalihii iyo report-kii ay aqalka sare ka keeneen dowlad goboleedyada maka soo jawaabeen? Markii lagu wareejiyey 2 maalin ayey qabsadeen, 20 maalin ayaa laga joogaa, marka jawaab ma aha arrinta wasaaradda arrimaha gudaha, waxa uu aqalku jawaab ka rabo, waa maamulka Farmaajo”.

Goobjoog News