U bood dhigaalka

Senator Xuseen Sheekh: Xukuumadda Halaga Keeno Banaanka Si Loola Xisaabtamo

Sheeko:Baarlamaanka

Senator Xuseen Sheekh oo kamid ah mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku taliyey in wasiirada cusub ee lasoo dhisi doono aan laga soo dhex xulin xildhibaannada baarlamaanka oo Ra’iisul wasaaraha banaanka ka keensado.

Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in la helo wasiiro ay xildhibaannada baarlamaanka xisaabtan dhab ah la sameyn karaan, sidaasi darteedna aysan mudanayaasha ku dhiiran karin in qof iyaga kamid ah ay si toos ah ula xisaabtamaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Aragti ahaan waxaa ila quman in banaanka laga keeno, maxaa yeelay xukuumad ay baarlamaanka la xisaabtami karaan, markii ay rabaan u yeeran karaan ayaa imaaneysa haddii bannaanka laga keeno, laakiinse haddii baarlamaanka laga keeno nin baarlamaan kula ah oo xuquuqdaada oo kale leh si aad ula xisaabtanto ayaa adkeeneysa” ayuu yiri Senator Xuseen Sheekh.

Waaa jira aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo sidoo kale qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed oo iyaguna ku taliyey in xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aan lagu soo darin golaha wasiirada cusub.

Goobjoog News