U bood dhigaalka

Senatorada Ka Soo Jeeda Hirshabeelle: Aamusnaanta Dowladda Waan Garan La’nnahay

Sheeko:Dalka

Senatorrada baarlamaanka 10aad ee laga soo doortay dowlad goboleedka Hirshabeelle oo shir jaraa’id goordhow qabtay ayaa si qotto dheer uga hadlay xaladda adag ee fatahaadda webi Shabeelle ka geystay Baladweyn iyaga oo ku baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada jirta.

Senatorrada kala ahaa Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun),  Senator Naciima Ibraahim Yusuf, Senator Maxamed Xuseen Raage iyo Senator Cismaan Axmed Macow ayaa sidoo kale sheegay in ay garan la’yihiin aamusnaanta dowladda.

Ugu dambeyntii, Senatorrada laga soo doortay Hirshabeelle waxaa ay hey’adaha gargaarka iyo beesha caalamka ugu baaqeen in ay wax u qabtaan dadka dhibaateysan.

Goobjoog News