U bood dhigaalka

Senetor Cabdi Qeybdiid: Soomaaliya Isbadal Doorasho Iyo Mid Amni Ayey U Baahan Tahay

Sheeko:Amniga

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ah senetarada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya aya waxaa uu si aad ah uga hadlay xaaladda dalka uu xilligan ku guda jiro gaar ahaa arrimaha doorashooyinka iyo amni xumada dalka ka jirta.

Senetor Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in madaxda haatan jirta marka uu waqtigooda idlaado ay gali doonaan doorasho haddii ay ku soo bixi waayaana waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in ay xilka wareejiyaan, isaga oo dhinaca kalane xusay in dalka uu u baahan yahay isbadal doorasho iyo mid amni.

“Madaxda hadda joogta doorasho ayay galayaan ama shacbiga Soomaaliyeed iyo baarlamaanka ha soo celiyo ama sidii saaxiibadii hore haddii ay doorashada ku guuleysan waayaan dee dabcan in ay xilka wareejiyaan, Soomaaliya isbadal ayey u baahan tahay, isbadal siyaasadeed, isbadal amni iyo isbadal dhinac walba ah ayey u baahan tahay” ayuu yiri Senetor Cabdi Qeybdiid.

Sidoo kale Senetarka ayaa waxa uu soo hadal qaaday xiisada ka taagan gobalka Gedo, waxa uuna dowladda federaalka ku eedeeyay in deegaan nabddoon ay geysay ciidankii loogu talagay in deeganada ay ka jiraan amni darrada lagu xasiliyo.

Senetor Cabdi Qeybdiid ayaa yiri sida tan “Ciidamadii loo qoray in ay dalka difaacaan ayaa waxaa la geeyay degmooyin kale sida gobalka Gedo oo kale halkaasi waa ay deganayd, ciidamo ayaa loo daad gureeyay halkaana magaalada hareeraheeda ayaa la mari la yahay oo waxaa kala xiran Afgooye iyo Xamar iyo Balcad iyo Xamar, waxaad moodaa in habkii ciidanka loogu shaqeyn lahaa in aan jidkeedii la hayn”

Hadalka Senetorka ayaa waxa uu ku soo aadaya iyada oo dalku uu geli doono doorasho islamarkaana aan waxba laga qaban arrimaha amaanka.

Goobjoog News