U bood dhigaalka

Senetor Xuseen Sheekh: Xukuumadda Soomaaliya Xil Weyn iskama Saarin in Dadka ay u Sameyso Shaqo Abuur

Sheeko:Dalka

Senetor Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan doonayn in ay xil weyn iska saarto sidii shacabka ay u heli lahaayeen shaqo abuur

“Aniga sababta ugu weyn waxa aan dhihi karaa in aan xil weyn la iska saarin ayaa ugu weyn xukuumaddana aysan ka dhigan mudnaan aniga dhowr jeer ayaan soo jeediyay in waddankaan ay ahmiyaddiisa 1-aad tahay amniga, amigana uu keenayo waxyaabo badan oo ay ka mid tahay shaqo abuur ahmiyadda 2-aadna ay tahay shaqo abuur” ayuu yiri Senetor Xuseen Sheekh.

Sidoo kale Senetarka oo sii hadlaya ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay in haddii dhalinyarada Soomaaliyeed ay heleen shaqooyin iyo fursado shaqo abuur taasi ay keenayso in dalku uu noqdo mid amni ah.

Senetarka oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Maxaa yeelay haddii shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada oo ay helaan fursado shaqo waxaa yaraanaya amni xumada”

Dhinaca kale Senetor Xuseen Sheekh ayaa xukuumadda ku dhaliiyay in shacabka aan la siin fursaddii ay shaqo abuur ku sameysan lahaayeen taa badalkeedana waxa uu sheegay in laga xirtay waddooyinii, waxa uuna sidoo kale soo hadal qaaday dhalinyarada bilaabay shaqo abuurka ku aaddan sarifka lacagaha oo ay dowladdu qaarkood xanibtay, isaga oo arrinkaasina ku micneeyay in ay ka dambeeyaan shirkado kale oo dano gaara leh.

“Fursaddii ay shaqada ku abuuran lahaayeen lama siin maxaa yeelay jidadkii baa ka xiran ganacsi ma abuuran karaan, hadda waxaad la socotaa dhalinyaro hal abuur dunida ka jira Soomaaliya keenay oo dhanka sarifka lacagaha qalaad ah naftooda borobogaando badan lagu furay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Senetor Xuseen.

Ugu dambeyn Senetor Xuseen Sheekh ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed waxa uu ku booriyay in aysan niyad jabin islamarkaana dadkooda ay uga faa’iideeyaan waxyaabihii ay soo barteen, islamarkaana ay la yimaadaan hal abuur.

“Waxaa dhalinyarada Soomaaliyeed la gudboon koow in aysan iyagu is dhiibin oo ay halbuur la yimaadaan oo wixii ay barteen dadkooda uga faa’iideynayaan” ayuu yiri Xuseen Sheekh oo ah mudane ka tirsan golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in markii ay timid ilaa iyo haatan aysan qaadan shaqaale rayid ah, taasi oo ay sii dheertahay in aysan la imaan fursado shaqo abuur loogu sameynayo dhalinyarada.

Goobjoog News